dowlada goboleedka hiraanland oo la dhisay

26-05-2010 12:41

 

Kulamo wada tashi iyo ra’yi isweydaarsi joogta ah oo muddo lix bilood ah
uga socda odayaasha dhanqanka, indheer-garadka, culama’udiinka,
siyaasiyiinta iyo ururada bulshada ee kala duwan ee ka soo jeeda Gobolka
Hiiraan ee ku kala nool qaradaha Yurub, Waqooyiga Ameerika, Kenya iyo
gudaha Somalia, ayaa waxaa kulamadaas si qotadheer loogu lafa-guray
xaaladda guud ee dalka gaar ahaan xaaladda uu ku sugan yahay gobolka
Hiiraan wakhtigan xaadarka ah.


 

Ka dib markii si gaar ah looga hadlay xaaladaha soo socda:
• Nabdgelyada iyo amaanka gobolka
• Maamul la’aanta muddo ka jirtay gobolka
• Xaaladda siyaasadeed ee gobolka oo aan lahayn meel loogu hagaago
• Horumar la’aanta dhinac walba ah ee gobolka,
• Iyo Xaaladaha bani’aadanim ee maalimba maalinta ka dambeysa ka sii
dareysa ee ay ku sugan yihiin dadweynaha reer Hiiraan.


 

Sidoo kale ka dib markii laysla falanqeeyay xaaladaha guud ee dalka sida:


 

• Arrimaha siyaasadeed ee aan deganeyn
• Nabadgelyada iyo amaanka guud
• Nidaamyada iyo maamulada ka jira meelo ka mid ah dalka
• Mawqifka wadamada deriska iyo beesha caalamka ee ku aadan dalka.


 

Ayaa waxaa dood dheer iyo falanqeyn ku saabsan qodobada kor ku xusan ka
dib si wada jir ah laysku raacay in lagama maarmaan ay tahay islamarkaana
la joogo wakhtigii gobolka Hiiran uu yeelan lahaa maamul madaxbanaan oo u
horseeda nabadgelyo iyo horumar.


 

Sidaa darted waxaa maanta ay taariikhu tahay 23 May 2010 markii ugu
horeysay si rasmi ah loogaga dhawaaqay magaalada London Dowladda
Hiiranland ee Soomaaliya (Hiiranland State of Somalia ), Ku dhawaaqidda
Hiiranland ee Soomaaliya waxay yididiilo iyo rajo weyn u noqoneysaa
dhamaan dadyowga ku dhaqan Hiiranland.


 

Waxaana madaxweynihii ugu horeeyay ee Dowladda Hiiranland loo doortay
Mudane Mukhtaar Sheekh Abdirasaaq Sheekh Cusmaan . Wuxuuna madaxweynaha
Hiiranland muddo saddex isbuuc gudahooda ku soo dhisi doonaa maamulka
dowladda sida ku cad dastuurka Dowladda Hiiranland ee Soomaaliya.


 


Ibraahim Faarax
Afhayeenka Dowladdda Hiiranland ee Soomaaliya
00447983021290
00447958255745
00447957332639


asp hit counter
hidden hit counter
Maak een gratis website Webnode