Waa qisadii muraga iyo xanuunka badneyd oo aad wada sugeyseen waa WALIGEY ISMAAN ORAN WADNAHAY KU ISTAAJIN

26-05-2010 11:53

 

Qeybta 2

Waa qisadii muraga iyo xanuunka badneyd oo aad wada sugeyseen waa WALIGEY ISMAAN ORAN WADNAHAY KU ISTAAJIN

 

Sidii aay balanta aheydba markii uu saalim ka so baxay salaada cishaha wuxuu durbadiiba so abaaray qolki fadhiga wuxuna bilaaway in uu garaaco talefankii samaatha

Telfonka waxaa qabatay maryama o ah samaantha walaasheda waaxeyna markiba u yeertay samaantha

Samaantha: hello waa kuma ?

Saalim:haa qofkale maahan ee waa saalim

Samaatha: wooow caawa waad so dheeraatay e ma wax daran ba jira

Saalim: maya wax daran ma jirin balse waxaan ku waday salaan qaas ah oo qalbigeeyga uu ku soo mariyay hawada marka waxaan rajeynayaa in aad iga gudoomi doonto

Samaantha: waxaa ka gudoomay qalbiga mid la mid ahne iga hano

 

Saalim: haa waan kaa qabaa ee mashquul miyaad tahay caawa oo sheeko miyaan kaa so qasay

Samaatha: saalim oo dhan ayaba isoo wacay marka wixi sheeko ah sidaas ayeey ku dunsan yihiin marka caawa shekadaada baa la sinaya waqtiga ka waran xaladi imtixanka ?

Saalim: walaahi aniga sida aan horay kuugu sheegayba imtixaanka aad ka hadleeyso mid kale ayaaba ii raacsan oo waxaan jeclahay in aan marka hore ka guul keeno markaas baan u so jesanayaa imitxanka iskulka

Samaantha: walaal muxu yahay imtixaanka kale oo aad ka hadleeyso ma iskul kale baad dhigataaa

Saalim: maya ee qalbigeeyga ayaa qof tabaayo marka waxa uu ku mashqulsan yahay qaabkii uu ku heli lahaa qoftaas uu tabaayo

Samaatha: walaal waa arin aad u culus marka ee waa tuma qofka uu tabaayo qalbiga?

Samaantha naf ahaanteeda waa dareemeysa in uu saalim ayada doonaayo ayada naf ahaanteeda rabitaanka ka marno balse waxeey rabtaa o kaliya in marka hore ayada wax loo sheego ka dibe aay wax la daa dihiso wixii sheekadi socotayba waxaa lagu balamay in aay wax kasto hagaagi donan oo marka hore imtixaanka meel leeyska saaro ka dibne inta la sugayaao jawaabta imtixaan wax kasto meel la wada dhigto

Saalim habeenkaasi waxeey u aheyd habeen farxadeed samaathane sidoo kale balse samantha waxey ka codsatay saalim in u arinkaan dhexdooda dhaafin oo waxeey aheyd gabar aad u xishood badan

 

 

Laga bilaawo maalintaas saalim iyo samaatha waxey ahaayeen labo qof oo jecel in aay xili kasto oo bareeg ah wada kulmaan

Sidii aay balanta aheydba marki uu soo dhamaatay imtixaanki ayaa saalim wuxu baadi goob u galay samaantha balse waa uu wayay wuxuu goaan ku gaaray in uu SMS ugu diro mobilkeeda asiga oo leh YARTA WAXAAN JOOGA ALBAABKA LAGA GALO MAKTABADA E IGU IMAAW HALKAAS samaantha waxeey ku jirtay qolka computerada isla markiba waxey so abaartay halki u joogay saalim

Samaantha: yarka maanta waxaan dareemaya in aad faraxsantahay ee warka isii

Saalim: haa oo waxaa isku keey darsamay dhowr farxadood marka waxaama jecleystay in aad ila qeybsato ee ka waran xaalkaada adiga

Samaantha: walaahi heersare marka waxaan jeclaan lahaa in aad i fasax maanta, sababto ah waxaa i sugooyo gabdho

Saalim: ok anigabe wax zaaid ah maku wicin oo waxan rabay o kaliya in aan ku si macsalaameeyo marka waa ino waqti kale

Samaantha: waan dareemayaa in aadan raali ka aheyn in aan ka tago balse maxaad ka qabtaa hadaan caawa ku so waco

Saalim: waxba kama qabo balse hadaan ku sugi waayo wici taankaada waxaan rajeynayaa in aan ku soo wici karo sax

Samaantha: yes ofcourse

Sidi baa lagu kala tagay

sida caadada aheydba saalim iyo aabihis waxey salaada cisha ku soo wada dukan jireen masaajidka OOWGEEDI saalim habeenkaas ma usan bixin oo waa uu ka cudardaartay

markii salaada cishaha laga soo baxay samaantha waxeey durbadiiba soo wacday saalim

 

saalim: salaam sare yarta qaaliga ah

samaantha:waa laga gudoomay walaalka qaaliga ah

saalim: aad baan kuugu mahadcelinayaa laakin waxaan jeclaan lahaa meeshii aad iga dhihi laheyd walaal in aad iga dhahdo macaankaa gacaliye iyo wixi la midka ah

samaantha: ma xuma in aan gacliye kuugu yeero laakin adigane maxaad igu yeeri laheyd marka ?

saalim: waxaan kuugu yeeri lahaa wax kasto oo aad adiga jeclaato ee bal so daa adigane wixi aad jeclaan laheyd in laguugu yeero

samaatha: ma xuma laakin maxaad ka qabtaa in aan mar wada fadhisano oo aan ku marti qaado si aan meel dagan ugu wada shekeysano oo aan wax walbone iskaga dhaadhicino

saalim: dabcan waan so dhaweynayaa laakin waxaan jeclahay in aan bariba ku kulano

samaantha: anigaba waan jeclahay laakin bari aabo baa jooga xaafada laakin bari danbe inooga dhig markaa ayaan si fiican u wada shekeysaneyna maxaa yeelay xaafada wa cidlo oo aniga iyo abaayo uunbaan joogno

saalim: ma xumaa laakin maalintaas maxaa jawaab ah oo aan ka sugaa marka bal wax iga taabo waayo naf dhan baa ku tabeeyso

samaatha: insha allah wixii aay nafsadaada jeclaatay in aay heli doonto ban rajeynayaa

saalim waxey u aheyd habeen farxadeeda waxeey sheekada socotaba waxaa qolki aay samaantha ku jirtay soo gashay maryan oo halkii baa lagu baray maryan saalim habeenkaas waxeey u aheyd saalim iyo samaantha habeen farxadeed

wixii aay sheekada socotaba waxa lagu balamay maalinta jimcaha ah in saalim laga so doono hotel Jeddah oo ku yaal isgooyska siinaay sidii baa lagu geeyay qolkii fadhiga ahaa oo waxaana durbadiiba la keenay cabitaan oo saalim wuxu ka codsaday samaantha in aay gacanteeda ku siiyo kaftan dheer ka dib waxaa lagu balamay in aay labadoodaba iska soo diiwaan galiyaan jaamcada BANAADIR UNIVERSITY

samaantha waxeey sheegtay in aay rabto in ay noqoto dhaqtarada ilmaha ah halka gacaliyaheda saalimne sheegay in uu rabo in uu barto cilmiga computerda e (IT) information technology

 

la socoto qeybta sedexaad sabtiga kale insha allah

waxa idin soo diyaariyay qoraaga da’da yar e MOHAMED ABDI ADEN

wixi talo ah waxaad I noogu so hagaajin kartaan saalim888@hotmail.com

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 


asp hit counter
hidden hit counter