Waa qisadii muraga iyo xanuunka badneyd oo aad wada sugeyseen waa WALIGEY ISMAAN ORAN WADNAHAY KU ISTAAJIN
Qeybta 3
Waa qisadii muraga iyo xanuunka badneyd oo aad wada sugeyseen waa WALIGEY ISMAAN ORAN WADNAHAY KU ISTAAJIN
Kaftan dheer iyo qosol badan ka dib waxaa la gaaray xiligii salaada maqrib
Saalim sidii uu ku soo aaday xaafadisa waxaa lagu balamay in xariirka labada qofba wada adkeeyaan oo wixii mugdi mugdi ah oo soo dhax gala in aay si dagan u wada xaliyaan
Markii maryan iyo samaantha aay ka soo noqden sagootintii saalim ayaa waxa dhax martay sheeko yar
Maryan oo ah da’da ka weyn samaantha ayaa ku dhahday samaantha
Samaantha i dhageeyso waxaad heshay wiil aad u dabiicad u furfuran , waxaana aamin sanahay in uu yahay wiil ku dhaqi karo oo farxadaada ka shaqeeyn karo markaan dhan walbo ka fiirshay waxaan jeclaan lahaa in aad waalidka barto si aay ayagana u bartaan gacaliyahaada cusub laakin bal marka hore i sheeg adiga ahantaada waxa idinka dhaxeeyo
Wlh wax naga dhaxeeyo oo aan aheyn jaceyl ugub ah ma jiraan, ani ahaanteeyda mar hore Ayaan caashaqay balse diyaar uma ihi in aan baro waalidka sababto ah wax kasto ayaa dhici karo oo waxaa suragal ah in aay wax yaabo badan u qarsan yihin marka aan ka war sugno ilaa iyo amar danbe wixii soo zaaida waan arkeeyna insha Allah
Saalim habeenkaas waxeey u aheyd habeen farxadeed sababtoo ah wuxuu gacanta ku soo dhigay qofkii uu dunida ka doorday
Sidii aay balanta aheydba saalim iyo gacalisadiisa cusub waxeey isku raaceen jaamacada banaadir si leeys kaga soo diiwaan galiyo.
Saalim waxa lo sheegay in uu 4 malmod ka dib isku soo diyaariyo imtixaanka tijaabada ah halka samaanthane loo qabtay waqti kale
Wixii jaamacadii la dhigtaba , wixii farxad lagu joogaba, wadankii wuxuu noqday mid qasan oo waxaa so galay ciidamadii shisheeye wadanka, wadanki wuxu noqday meel aan waxba lagu baran Karin
Waalidka dhalay saalim waxeey goaan ku gaareen in saalim wadanka laga saaro
Aabaha dhalay saalim oo markii horaba dalka fasax uun u joogay wuxu baadi goob u galay qaabki uu ku heli lahaa VISO oo kaga saarto dalka wilkisa curudka ah , mudo yar ka dib wuxuu helay viso ah wadanka turkiga
Saalim hosha u wado aabahis waxba kala ma socon balse waxaa dhax martay shekadan
Aabo abdi: igaarkeeyga waxaan rabaa in aan mid ku sheego waan ogahay waxaa tahay wil jecel wax barashada anigane ma jecli in aan wax barashadaada kaa qaso oo waligeeyba waxaan jeclaa in aad noqoto wiil wax isku tara. Markii aan arkay qaabkii aad u kala wadeen hoshii bakhaarka adiga iyo adeerkaa waxaan ogaaday in aan tahay wiil hadii wadankalane la giiyo wax ka so saari karo
Marka aniga iyo hooyada waxaan goaansanay in aad dalka iskaga tagto sababto ah wadanka waa qasmay oo ma ahan meel wax lagu baran karo, HADANE WAXAAN KU SOO HELAY VISO AH TURKIGA jimcahane waxaad ku qorantahay diyaarad sidaas ula soco
Saaalim: aabo ma ila kaftameysaa mise waxeey kaa tahay daacad
Aabo abdi : wilkeyga xili la kaftamo ma ahan marka waa sidaan ee barito waa in aan isku raacnaa BASRO si aad u soo macsalaameeyso waalidkaa wixi xaga joogo oo waxaa heysata 5 malmod fursad marka wixi kaa fur furane ku soo xer xero
Saalim waxeey u baryay waa cusub oo waxaa loo sheegay wax uuna sugeynin, saalim waxaa culeys ku noqotay qaabkii u ugu sheegi lahaa gacalisadisa samaantha
Saalim isla markiba wuxu goaan ku garaay in uu sida ugu dhaqsiyaha badan ula kulmo samantha , waxa uu durbadiiba ka wacay telfoonkeeda guriga
Saalim: hello waa kuma?
Mayama: waa waa maryama ee maxaan kuu qabtaa
Saalim : oh ! saalim wayay ee samaantha ma igu yeeri kartaa
Marki aay samaantha imaaday aya waxaa dhax martay shekadan
Saalim: salaan ka dib adiga oo aan war igu so celin waxaan rabaa in aan galabta aan kulano ee xageen ku isku aragnaa
Samaantha: gacaliye marka hore is daji oo ma wax daran baa jira
Saalim:wax daran ma jiraan balse wax zaaid ah baa jira ee iga ongolaaw in aan galabta kuu imaado adiga o aan hadal igu soo celin
Samaantha: ok maxaad ka qabtaa hadi aan aniga ku imaado balse waa in aad igeeysaa xaafada dadkeeda yar yahay .
Saalim: maya waxaa tahay qof dumar ah o waxaa wacan in adiga lagu imaado marka aniga ayaa ku imaanayo hadii uu joogo xitaa aabo wax in uu iga haleynaayo ma aamin sani ee meeqo saac ban ku imadaaa
Saamaantha waxeey isku dayday in aay weydiso wixii jira balse waxba waa ka so saari weysay gacaliyaheeda
Dood dheer ka dib waxaa lagu hishiiyay in lagu kulmo guriga gabar aay saaxibo ahaayen samaantha
Markii saalim qolki loogu tala galay la fadhisiyay ayaa waxaa sheekada furtay samaantha o dhahday
Samaantha: maanta hadii aan ku dhihi lahaa gacaliye waan cabsanaa oo waxaan ka baqayaa in aad goaan adag wadato ee waxa i jira i sheeg
Saalim : maya gacaliso go’aan adag ma wado ee waxaan wadaa goaan ka soo yeeray waalidkii i dhalay marka , waxaa rabaa in aan ku sheego in aan kaa fogaan doono
Ma ahan in aan aniga oo dhan kaa fogaanayo balse waxaa ka fogaanayo jirkeeyga balse qalbigeyga waa kula joogayaa insha Allah
Samaantha: wali maku fahmin ee waxa jira si dagan igu sheeeg
la socoto qeybta AFARAAD sabtida kale insha allah
waxa idin soo diyaariyay qoraaga da’da yar MOHAMED ABDI ADEN
wixi talo ah waxaad I noogu so hagaajin kartaan saalim888@hotmail.com
waxaa iso gaaray 47 message o dhamantood ah codsi ah in aanan sheekada baaajin sabti kasto, marka dhamaan aqristayaasha sharafta leh waxaan u sheegayaa in aanay baaqan doonin insha allah