Waa qisadii muraga iyo xanuunka badneyd oo aad wada sugeyseen waa WALIGEY ISMAAN ORAN WADNAHAY KU ISTAAJIN
Qeybta 4
Waa qisadii muraga iyo xanuunka badneyd oo aad wada sugeyseen waa WALIGEY ISMAAN ORAN WADNAHAY KU ISTAAJIN
Saalim oo sheekada sii wado ayaa ku dhahay gacalisadiisa
Gacaliso waxaa jirto arin cusub oo anigaba maanta leeyn soo ogaaday taasi oo ah
Waalidki I dhalay ayaa waxeey goaan ku gaareen in aan wadanka sida ugu dhaqsiyaha badan uga baxo ilaa iyo hada sababta ka danbeyso ma aysan I sheegin oo waxey igu dhaheen o kaliya wixii kale oo dhiman caawa ayaa lagu dhameystirayaa balse la soco safarkeeyga cusub
Samaantha waxaa ka soo haray yaab oo hadalkii ayaba ka soo bixi wayay sababto ah ma aysan filaneynin arinkaan cusub
Saalim: gacaliso isku day in aad is dajiso aniga kor iyo hoos qof aan adiga aheyn Malaga yaabo in aan damco ee I aamin
Samaantha: ok balse meesha aad aadi doonti miyaa laguu sheegay mise wali ma ogid
Saalim: haa oo visadaba waa diyaar xitaa wixii sawiro ahaa o loo baahnaaba hada ayaan aabo ku so warejiyay waxaana adi rabaa turikiga insha waliba jimcaha so socdo
Samaantha markii loo sheegay in gacaliyaheeda uuna isbuuc xitaa la sii joogi dooni ayaa yaabkii yaab ugu sii darsamay oo waxa aay garan weysay mel aay hadal ka bilaawdo oo
Saalim asiga xitaa ma usan heynin meel u hadal ka bilaawo o afkii baa juqda ka galay lamaanihii cusbaa
Ayda oo canjalkii shibta iyo muragada ahaa shidan yahay ayaa waxaa qolkii si lama filaan ah ku soo gashay maryama oo ogeyd in uu saalim imaan doono galabta
Maryama oo fahantahay in aay manta wax jiraan ayaa ku dhahday
Maryama: is dajiya ee waxa jira ma wax aad xalin kartaan,? mise waa idiin soo dhax galaa?
Saalim iyo samaantha oo halmar la so naxay hadalka marya ayaa muqura isla dhahay MAYA WAX ZAAID AH MA JIRAAN OO ANAGA AYAA XALIN KARNO
Samaatha waxeey ka codsatay gacaliyaheeda in uu maalin kale u imaado si aay wixii aay sameyn lahaayeen iskula meel dhigaan
Balse saalim wuxuu ka codsatay in wixii jiraa o dhan manta meel la wada dhigo sababto ah waxaa dhici karto in uu waqtiga igu yaraado hadii aan ku imadone diyaar uma ihi in aan dood galno balse waxaan rabaa in aan faraxadeena lee kasii shaqeeyno
Dood dheer ka dib waxaa lagu balamay in aay qof waliba halkeey doonto ha joogtee in aay balanta adkeeyso oo xariirka la adkeeyo
Saalim markii u baxay ka dib samaantha waxaa u shidmay cajalkii muragada o waxey ka soo bixi weysay qolkeeda jeefka ahaa.
Maryama oo la socotay arinka ayaa islama markiba dareentay in aay maanta wax soo zaaideen sidi aayaa eey ku wareeysatay oo weydisay wixii jira.
Samaantha waxeey hadalka ku soo gaabisay ayada o waliba ooyin ku jirto
ANIGA WAXII AAN JECLAADO MA GUULEYSTAAN , NINKII AAN DUNIDA KA FIIRSANAYAYNE WUXUU IGU DHAHAY WAAN KAA DHEERAANAYAA , ANIGA MAXAAN HALEYAY O INTAAN OO DHIB AH U MARAYAA.
Maryama oo dajineeyso walasheed ayaa ku dhahday maya anaa hubo oo gacaliyahaada maku iloowi doono ee is daji adiga wax kasto waa aay dhamaanayaan
Saalim waxba lama socdo ee habeenkaas waxa u galay xisaab xerkii bakhaarka
Saalim xili danbo oo habeenki ah ayeey u dhamaatay xisaab xirkii markii u saacada fiiriyay waaba xili saq dhexo ah oo wuxuu goaan saday in uu iska seexd oo barito xili hore waco gacalisadiisa
Samaantha waxaa la yaab la noqotay saalimkii habeen kasto so wici jiray in uu habeenkasi soo wicin
Ayada oo naxsan ayaa waxeey goaan satahay in aay marka hore ka wacdo mobilke si aay ugu wargaliso in aay ka soo wici doonto leen ka guriga
Samaantha markii uu u sheegay gacaliyaheeda in uu ku mashquulsanaa arinta shaqada ah xooga niyada ayaa u dagtay oo ila aay hurdo ka qabato waxeey la shekeysaneysay gacaliyaheeda saalim
Samaantha waxeey ka codsatay gacaliyaheeda in uu baro wiilka ka yar oo la dhaho CABAAS si aay ula socodsiiso hadii aay wax so zaaidaan inta uu safarka ku jiro
Saalim waxa u gacalisadiisa u sheegay in uu labo maalmood kadib uu ku marti qaadi doonto bakhaarka aabihiis oo ku yilay suuqa bakaaraha oona la bari doono dumaashigeed cabaas
Saalim markii u ka soo noqday BASRO ma usan soo aadin xafadi juungal ee uu daganaa balse wuxuu horay u si aaday goobtisii shaqada
Tankale ma uusan ilowin balantii uu lahaa gacalisadisa oo wuxuu u diray cabaas oo ku dhahay tag hotel Jeddah ee xaafada siinaay waxaa imaaneeyso gabar nuucaas ah ee so wad adiga oo aan meel ku leexin waxaad geysaa qolka fadhiga ee qeybta kore ee bakhaarka
Cabaas markii uu kenay samaantha qolkii fadhiga ee goobta shaqada ayaa waxaa u is weydiyay
Wartaloow maxeey tahay gabdhaan maanta laguu diray oo aad adigane so wadatay?
cabaas wuxuu is weydiyay suashaas iyo sualo kale oo aad u farabadan
Cabaas waxaa ku furfurantay arin culus oo waxa u garan wayay qaabkii u kuso wici lahaa saalim , oo maba la socodo qofta in aay tahay dumaashidiis
Waqti yar ka dib saalim oo yaaban ayaa wuxuu soo wacay cabaas oo ku dhahay
Saalim : marax intee joogtaa?
Cabaas: mar hore aya imaaday oo waxaan ku jiraaba qalka fadhiga marka qoftii aad ii dirtayne waa ila socota marka i imaaw
Saalim sidi ayaa uu ku soo aaday qolki fadhiga cabaasne waxaa uu shaqada ka badalay walaalkis saalim
Saaalim iyo gacalisadiisa waxa dhex martay sheekadaan aadka u xiisaha badan
samaantha ayaa ku bilaawday.............................................
la socoto qeybta SHANAAD sabtida kale insha allah
waxa idin soo diyaariyay qoraaga da’da yar MOHAMED ABDI ADEN
wixi talo ah waxaad I noogu so hagaajin kartaan saalim888@hotmail.com