Waa qisadii xanuunka iyo maragada badneeyd ee………waa tuma? waa tii? waa tee? Waa WALIGEY ISMAAN ORAN WADNAHAY KU ISTAAJIN

26-05-2010 11:46

 

Qebta 1

Waa qisadii xanuunka iyo maragada badneeyd ee………waa tuma? waa tii? waa tee? Waa WALIGEY ISMAAN ORAN WADNAHAY KU ISTAAJIN

Waa maalinimo sabti ah saacadana cagageeyneeyso 9.00 subax nimo waxa lagu jiraa xisadii kimistriga oo uu dhigayay al ustaad CUABDULLAHI KIMIKO fasalka B1 ee ALFAJRI SIKUUL waxa soo dhaw soo dhaw xiligii loo fadhisan lahaa imtixaankii ugu danbeyay ee dugsiga sare qof waliba waxeey ka fikirsantahay waxa aay sameyn laheyd imtixaanka ka dib saalim waxaa murugtisa ugu badan aay tahay

Hadii uu iskulki dhamaado sidee baad ku heli kartaa samaantha?

markii aay dhamatay xisadii kimistiriga aheyd waxa loo so baxay breek

saalim waxaa uu taagan yahay baarka wax laga eebsado waxoow gadaashiisa ka arkay samantha o waxa dhax maray shekadan gaaban

saalim: salaam sare ka dib waxaan goaansaday in aad iga hormarto marka maxaad ka qabtaa

samaantha:wad mahadsantahay walaal

saalim: walal waxaan goaan saday in aan ku hor mariyo marka welcom

samaantha: ok walaal laakin sidaan oo dhan miyaad u fiicneyd saalim oo aad u dabecad wanaagsaneyd

saalim: wanaaga iyo xushamada waa wax aan adiga ka baranay sister

ayada oo shekada mareeyso meel xiiso leh ayaa yarkii ka shaqeynayay baarka ku yiri

maxaan kaa ibiya walaal sheekadii sidii baaa aay ku qasantahay o samaanta halkeedii bay ka sii socotay

fasalki baa lagu so noqday oo shekadi Samantha iyo saalim waxeey ku so idlaatay indho iska eegid oo kaliya

saalim waxaa niyadiisa ka bixi waaysay hees uu ku luqeyay al fanaan LAFOOLE oo aheyd

Qurux badanidaayee
Qiimo weeynidaayee
Qalbiguna ku jecelaa

Qawlkaadu waa dahab
Aan la quurikarininee
Ala qaalisanidaa

Kaa doortay Qayrkaa
Laabteeydaan kugu qoray
Ila qaybso noloshoo
Kalgaceeylka ila qaad

Ala qumanidaayee
Qaayo weeynidaayee
Ma qof kula midaa jira

Dhowr isbuuc ka dib samaantha iyo saalim waxeey iskaga horyimideen makatabada iskuulka horteeda waxaa sheekada bilaaway saalim oo leh

Saalim : subax wanaagsan walaal , xaalka wa side ?

Samaantha; waa heer sare walaal ee xaged ka baxday maba lagu arkin malmahan e

Saalim haa waa sax oo waxaan ku jiray cilmi baaris aan caadi aheyn

Samantha: oo maxey tahay cilmo barista aad xiligaan bilaawday maxaadne baareeysaa aan kula bari hadeeyba tahay waxa jira

Saalim: haa waxaan baaritaan ugu jiraa qof aan dunida ka calmaday qaabki aan ku heli laha iyo waliba taarikhdeeda oo dhan

Samaantha: waa tuma qofka aad baaritanka intaas dhan madaxeeda u gashay

Saalim: qof dheer mahan ee waaa samaatha o waqtigan hada la taganyahay i hortaagan

Samaantha: wagar oo miyaad so ogaatay hee wixii aad baadi gobka ugu jirtay

Saalim : haa o waxbadan baan so ogaday inta harsane manta ayaanba rajeynayaa in aan heli doonto insha allah

Samaantha: walaal waxaa tahay wil cajib ah maktabada ayaan si rabaa oo markale ayaan shekeysaneyna insha allah hadane qeyr baan ku dhaafay

Saalim: maxaad ka qabtaa hadaan kaa so waco taleefankaada

Samaantha: waxba ka maqabo marka is maqal danbe

Saalim wuxuu goaan ku gaaray in uu baadi u goob u galo qaabkii u ku heli lahaa talefankii samatha durba waxa niyadiisa ku soo dhacay saxibkis SHAATAA oo ahaa wiil inta badan gabdhaha iskulka aay isku fiicnayen oo dubadiiba wuxuu raadis u galay shaataa oo waxa dhaxmartay shekadan shaataa o leh

Shaataa: waraa saalim galabta miyaadan imaaneyn garoonka teeri waxaan la ciyaari rabna kalaaska B2

Saalim: haa waan imanayaa balse arin baa rabay in aad I xaliso ee ka waran hee

Shaataa: waaaaw oo arin nuucee ah , waxaadba igula egtahay nin wax adag ka maqan yihiin maanta

Saalim: haa oo waxaa iga maqan qaabki aan ku qaban lahaa samaantha

Shaataa: waa arin culus waana ku hayaa talefankeda gacanta iyo kan guriga balse adigane waa in aadan is daadin oo adan iga dhigin nin xun marka success

Saalim: maya sxb insha allah waa hagaaagee e bal horta isii isii telfoonkeeda

Saalim sidi baa lagu siyay taleefankii durbane wuxu gada galay qaabkii u ku wici lahaa

Samaantha iyo saalim waxaa dhax martay sheekadaan

La soco qeybta kale sabtida so socdo

waxaa kuu soo diyaariyay qoraaga da’da yare e MOHAMED ABDI ADEN

Wixii talo ahne waxaad inoogu so diri kartaan saalim888@hotmail.com


asp hit counter
hidden hit counter
Maak een gratis website Webnode