Xaflado soo dhoweyn ah oo loo sameeyay asaaska Dowladda Hiiranland State Dawo Sawirada
London (YRMG): Xaflado waa weyn oo lagu soo dhoweynayo ku dhawaaqidii Dowladda Hiiranland ee Soomaliya. Xafladahaas soo dhoweynta dowladda cusb ayaa waxay ka dhaceen magaalooyin farabadan oo ku yaala wadamada Europe Mareykanka, South Africa, Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta. Waxaana magaalada London ka dhacday xaflad ballaran oo si weyn loo soo agaasimay oo ay ka soo qeyb galeen jaaliyadda reer Hiiranland ee ku nool UK iyo odayaal ka socday gobolada dalka aygoo hambalyo u soo jeediyeen Mudane Mukhtaar Madaxeynaha Dowladda Hiiranland ee Soomaaliya. Waxayna ilaahey uga baryeen in uu u fududeeyo Xilkan culus ee loo magacaabay.
Madaxweyne Mukhtaar oo hadal kooban ka jeediyey xafladda ayaa ka hadlay dhibaatada ummada Soomaaliyeed ku hambsatay 20kii sano ee dowladla’aanta ka jirtay dalka, Wuxuuna sheegay in sida looga baxayo dhibaatadan ay tahay ummadda Soomaaliyeed oo u istaagata garbahana isqabsata sidii ay u soo ceshan lahaayeen karaamadii iyo sharaftii ay aduunyada ku lahaayeen. Wuxuu kaloo Madaxweyne Mukhtaar sheegay ujeeda loo aasaasay Hiiranland ay tahay sidii dadyowga ku nool ay umidoobi lahaayeen, dhibaatooyinka ka jirana ayadoo lays kaashanayo sidii wax looga qaban lahaa.
Madaxweyne Mukhaar wuxuu kaloo sheegay in xukuumadiisu ay ku dadaaleyso sidii ay waxa uga qaban lahay xaaladda bani’aadanimo ee maalinba maalinta ka dambeysa ka sii dareysa.
Madaxweyne Mukhtaar wuxuu intaas ku daray in loo baahan yahay in la wada hadlo, colaadaha jira lagu dhameeyo wada hadal, Wuxuuna ku baaqay in la qabto shiweyne wadanka gudihiisa ah oo ay ka soo qaybgalaan dhaamaan cid kasta oo Soomaali ah, xabaddana la joojiyo.
Wuxuuna baaq u diray dowladda KMG ee Soomaliya in ay ka joojiyaan madaafiicda aan loo meeldayan ee lagu garaacayo maalinkasta asimadda Soomaaliya, Shacabka Soomaaliyeed ee dagaalada aan dhamaan soo daasheen loo turo. .
Ugu dambeystii Madaxweyne Mukhtaar wuxuu sheegay in saddex asbuuc gudaheeda uu ku soo magacaabidoono xukuumad tayo leh oo ay hogaaminayaan aqoonyahanno.
Sawiradii Xadladda