Part 3 Jahwareer jaceyl

Najma ayaa xili maqrib ah oo jawiga dagan yahay isku so aadisay oo soo aaday xaafadii raaxo
Najmo ayaa marki aay qolka fadhiga oo gashay indha ku dhifatay raaxo oo talefoon meel luuq ah kula jirto oo buuqa dadka ka ganbaneeysa
najmo: yarta yaad la hadleysa waan kuujeeda sheeko macaan ayaa ku socoto e ?
raaxo: yaa kale hee waa gacaliyaheeyga cabaas soo fadhiso
najmo oo cod la hoose ka hadleysa ayaa dhahay .. YARTA TELFOONKA ISA SAAR SHEEKO KU ANFACEYSA BAAN KU HAYAA E
raaxo ayaa durbadiiba gacaliyaheeda ka codsatay in aay mudo halsaac ka dib ah aay so wici doonto
cabaas waa u ka ongolaaday oo mala socon in farahiisa oo dhan la soo helay oo caawa hoowl laga qabsan rabo
cabaas ayaa ku dhahhay cagalisadiisa raaxo
cabaas : macaanto ,xoogaa banaanka ayaan adayaa , balse aniga ayaa ku soo wacaayo markii aan soo noqodo  I LOVE U BBY 
raaxo : me 2 gacaliye , balse ha iloowin in aad isoo wacdo , oo aniga oo codkaada maqlin in aan seexdo ma rabo ,, WAAN KU JECLAHAY MACAANKA ,
markii leeys macsalaameyay ayaa najmo oo war ka buuxa ku dhahday raaxo  NIMAAN WAX OGEYN ILAAH MA CADAABO ,, JACEYL BEEN AH AYAA LAGUUGU ABUURAY , SIDAAN OO DHAN AYAAD U DHIDIDEE ,, O HADA CABAAS MIYAAD JECESHAHAY?
raaxo : yarta waxa aad ka hadleyso ma fahmin ,, ee sidee wax u jiraan bal soo daa hadalka aad ii heeyso
Najmo : saaxibeey , waxaan soo ogaaday sirta aay cabaas iyo cabdi fitaax shaataa kula maagan yihiin taasi o ah in aay jaceyl been ah kugu abuuraan oo nikaaxa qudbo siro ah (aroos aan la ogeyn) lagula galo markii uu leenkaada soo dhawaadane uur laguu yeelo oo sidaas yurub markii aad tagto u soo dacwooto cabaas ee arinkaas mala socotaa
raaxo: yarta cabaas famile reer tabareed ah maka soo jeedyo o maanta ayaga ayaaba naga dhaqaalo badan ee sidee wax u jiraan
Najmo : saaxibeey waan kuu jeeda jeceyl baa ku haya balse , runta waan ku sheegay , cabaasne ha igu ceeybeynin , goaanka aad qaadan laheydne adiga ayuu ku jiraa ee hadane waan ka si tagayaa e  nabadeey
raaxo ayaa markii aay ka tagtay fikir iyo shucaac aad u fara badan ku furfurmay , ayada oo la yaabtay hadalada aay ku hadleeysay saxibteed najmo
raaxo ayaa dhanka kale iska tusineeysay in uu cabaas wiil daacad ah yahay oo iyada jecel, raaxo waxeey goaansatay in aay waxba u sheegin cabas oo wixii lo sheegay ay ayada uun ku ikaadaaan
dhowr sac ka dib , waxaa Raaxo loo sheegay in uu telfoon u yaalo , durba waa dareentay in uu gacaliyaheeda cabas yahay
Raaxo: asc ; waa kuma ?
cabaas: yaa kaloo sugeysay hee
raaxo: ooh cabaas , raali noqo xooga wan mashqulsanaa
cabaas: yarta . maxaa jira hee , caawa magaceyga ayaaba igu wacday e ,, xaalka ma is badalyay
Raaxo: maxaa dhacay oo aad dareentay ?
cabaas : calaa iyo xaal , qofkii aan ogaa ma igula ekid , waxaana qiyaasayaa in aay Najmo hadal bakhti kuu keentay , balse..
Raaxo: macaanka see kaa noqotay , hadii hadal leey keenu xitaa makula tahay in aan qadanayo
Cabaas: calaa iyo xaal waxaan aamin sanahay Najmo in aay tooshkii aay iga daba wadatay is daaysay , balse hadii aay caawa adiga oo dhan sidaan ku badasho waa in aan , ayada howl ka qabtaa ?
Raaxo: maxeey tahay howsha aad ka qabaneyso , maxaadna ka tabanee ?
Cabaas : hoosha aan ka qabanayo ma ahan mid aan adiga ku sheegayo !
Raaxo: macaanko dhib malahan aniga iyo adiga waxaan nahay dad is jecel cid no kala war qaadi kartane ma jirto i love u
cabaas: raaxo , waxa lagu sheegay bal wax iga sheeg .. cabaas naag kale oo shukaan sada miyaa lagu dhahay ?
Raaxo: dhib malahan wixi jiro waad ogaanee ee is daji horta
shekada oo socota ayaa cabas u soo dhacay telfoonkiisa gacanta ,, asiga oo lagu war galiyay in uu tago xaafad dariska ah si uu soo ciyaaro , ciyaarta turubka oo xiliga soonka la ciyaaro
cabaas ayaa gacalisadiisa durba u sheegay in uu baxayo asiga o leh
Raaxo : bby waan kii sii tagayaa , waa ino markale macsalaamo
raaxo oo aan ku qancin hadalka cabaas ayaa dhahday
Raaxo: macaanka hadii aad aamin santahay in leeygu kaa diray ,, waxaas ma jiraan ee Najmone faraha ka qaad ,, macaanka xaqiiq waan ku jeclahay i aamin
Cabaas :waan ogahay in aad i jeceshay balse waxaa i xaqiiqo ah in aad is badashay , e waxa jiro i sheeg si aan kaaga qanco
raaxo ayaa xogaa yar , hadal ka soo bixi wayay oo ilin ku so istaagtay
cabaas: macaanto dhalin yaro ayaa i sugeeysa ee aniga ku soo wacaayo e macssalaamo 
raaxo oo cod la ciif ah ku hadleeysa aya dhahday
Raaxo: oke macaanka , mac salaamo , mobilene ha qaad , wax kasto ayaa dhici karo e
sidi ayaa leysku macsalaameyay , cabaas ayaa yaab ka so haray oo fahmi wayay halka aay wax ka qaldan yihiin
cabaas oo xooga is adkeeynayo ayaa iskula hadlay
DABCAN RAAXO WAAN JECLAHAY , BALSE HADII AAY HADAL XUN OO DHOOCIL U SHEEGTAY QADANEEYSO , WLH AYADA JIRTAA ,
raaxo dhankeda waxaa u shidmay murugo iyo fikir , raaxo ayaa la yaabta sida uu cabas ku fahmay in aay is badashay
raaxo ayaa dhankeeda iskula hadashay
CABAAS AAD BAAN U JECLAHAY , WARKA LA SHEEGAYONE IN UU SAX YAHAY WAA ISKA SUURA GAL , BALSE HADII UU YURUB MADAXEYGA KU TAGO XITA MAXAA IGA HALAAWAYO ,, WABA GACALIYAHEEYGA OO ILA JOOGO,
LAAKIN WAAN KA WAR SUGAYAA , HADII UU AROOS QARSOODI AH ILA YIMAADO , MARKAS AYAAN XAQIIQSANAA HADALKA NAJMO
raaxo ayaa goaan satay in aay SMS dhanka mobilka ah u dirto ayada oo leh.. mcnka hadii aad guriga imaado horay iga soo wac , nafta ayaa ku tabeyso xxx by
cabaas ayaa markii uu guri yimid arkay warqadii lo soo diray goaan sadayne in uu horay ka waco
cabaas telfoonka waxaa ka qabtay raaxo aabaheyd
cabaas: hello
Abo Maxamuud: haa , yaawayay ?
Cabaas oo dhidid ka soo daatay ayaa dhahay
Cabaas: adeer waa aniga ee raaxo ayaan rabay
Abo Maxamuud: aniga gabar telfoon lagu wareersho ma haayo ,, hadaad dan leedahay igala soo xaajoo
Cabaas: adeer waxaas o dhan waa la gaarayaa ee hada suura gal ma tahay in aan la hadlo
Aabo Maxamuud: taasi suuragal ma ahan ee , rabta gabar lo so maro wa taqaanaa hee , rabtaas soo mar hadane mac salaamo
cabaas telfoonki ayaa sidii loogu damiyay asiga o naxsan ayuu sariirta seexday
hurdo warkiida iska daaye , wuxuu ka bixi wayay iyo fikir aan dhamaaneynin
raaxo waa aay dareentay in cabas u soo wacay , balse awood aay ku soo wacdo ma heynin ,, oo telfoonka waxaa heeystay abahed oo telfoon dibada ah sugayay
maalintii danbe ayeey raaxo goaan satay in aay cabaas wacdo
 

la soco qeybta kale isbuuca soo socda insha allah


asp hit counter
hidden hit counter