Raaxo ayaa isku dayday in aay kor iyo hooy wixii jiro ka dhaa dhacsiiyo , ugu danbeytiine waa u suuragashay
balse cabaas oo dareensiinaya in uu gacalisadiisa ka qancay mise u digaya ayaa ku dhahay
cabaas: macaanto , waan kaa qancay , balse hadii aad wax iga qarsato ogoow waa wax adiga ku dhibay
raaxo oo araygaasi dhibsatay ayaa ayada oo hoos u jeeda misane indhaheeda ilin ku taagantahay ku dhahday
macaanto insha allah ma dhaceeyso in aan wax kaa qarsado oo waxaanba rajeynayaa in aad noloshayda oo dhan hantiso , marka maba jirto sabab aan wax kaaga qarsado
cabas oo dhankaasi ka xanuunsaday in aay gacalisadiisa ilmeeyso ayaa ku dhahay
cabaas: macaanto , malaga yaabo in aan marnaba nafsadada dhib ama xanuun dareensiiyo , marka iska saar cuqadadaha kugu jiro , aniga markasto waxaan ahay dhankaada , waxaadna noqondoontaa caruurteyda mamadood insha allah ,, macaanto ogoow in aan si xaqiiq ah kuu jeclahay
cabaas iyo gacalisadiisa ayaa maalintaas farxad ku soo dhameeysteeyn kulankooda qaaliga ah
ugu danbeeyta , xiligii maqribka ayaa cabaas la soo sagootiyay asiga oo faraxsane soo aaday xaafadiisa
dhanka kale NAJMO ayaa ku mashquulsaneyd sidii aay cabaas ku soo jiidan laheyn oo aay ugu bandhigan laheyd jaceylka weyn oo aay u qabto
Najmo ceyb ayaa la aheyd in aay cabaas jaceyl u bandhigto asiga oo xiriir la leh saaxibteed Raxo
basle najmo ayaa goaan ku gaartay in aay raaxo ku noqotay oo aay ogaato bal waxa aay sameeysay iyo in aay cabas wali wada socdaan
najmo: saaxibeey ka waran caafimaadkaada , maxaad ka qabtay sirtii aan kugu qarsay , waad ogtahay in aad tahay qof aan jeclahay e
Raaxo: macaanto aan runta kuu sheegee cabaas waa qof aan jeclahay , marka ceyb ayeey ila noqotay in aan ula tago hadal aay qof kale isheegtay
Najmo oo hadalkaaasi dhaawac weyn u geeystay ayaa ugu jawaabtay
saaxibeey hadii aad ku qanacsantahay wiil xun oo ciyaal suuq ah mise aan wax uu yahay jirin in uu ku qiyaano mise madaxaada nolol sare kug aaro , dabcan waa hoowl adiga ku taal , balse ma jecli aniga in saaxibteey qaaliga ah xanuun loo geeysto
waana sababta aan hadalka sirta ah kuugu qarsaday , ee isku day in aad xiriirkaasi iska deyso waana iga talo aniga
raaxo oo shucaac weeyn ku furmay mise dhidid waaweeyn ka soo daaday ayaa isku dayday in aay u jawaab celiso , balse hadalkii ayaa ka soo bixi wayay
najmo o hadalka wadato ayaa ku dhahday , yarta goaanka yuuna kugu dheeraanin ee sheekada ciyoow meel iska saar , afkeenane waa isku amaan ee macsalaamo
raaxo ayaa mudo 3dex maalmood ah ka fikireeysay hadalkaan . mise wereeysi hoose la yeelatay dad u dha dhawaa cabaas , balse aayna helin jawaab aay ku qanacdo
ugu danbeyti waxey goaan satay in aay cabaas u sheegto wixii jiro , ayada oo dhanka kale ka baqeysay in aay gacaliyaheeda halkaasi ku weeyso
cabaas oo iska bashalaya ayaa loo sheegay in uu telfoon u yaalo
laso qeybta kale