qeybta 6aad
Samaantha markii aay ka soo noqotay sagootiskii gacaliyaheeda ayeey waxeey sheeko gaaban dhax martay maryama
Maryama: yarta maanta gacaliyahaada waad kala xiiso bogteen Ayaan filayaa
Samaantha: haa maanta waan soo kala xiiso bognay balse hadii uu barito baxo yaan ka xiiso bogi doonaa hee
Maryama: oo goormuu baxayaa gacaliyahaada?
Samaantha: barito 15.00 xiligaas ayuu diyaarada ku qoranyahay marka in u bari subax ii imanayo ma ilahan sababto ah waqtigisa badanaa aniga ayuu ila qaatay marka barito aniga Ayaan fasaxay ook u dhahay barito famile-ka si fiican u macsalaameey
Maryama: soo ma wanaagsana in aad baritu ugu tagto eleboorka waliba adiga oona u sheegin si aay layaab ugu noqoto
Samaantha: ma xuma wa ra’yi fiican balse xiliga uu imaanayone ma ogi dadka soo raaci doonane maka warhaayo marka waxaa ila wanaagsan in aan u sheego
Maryan iyo samaantha sheekadooda badana waxeey ku qaateen habeenkaas safarka cusub oo waliba dag daga ah ee uu galayo saalim
Intii aay sheekadii u socotay aya waxa so dhacay talefoonkii leenka guriga oo samantha markiiba waa dareentay in uu gacaliyaheeda yahay oo balanta ayaa aheyd in uu soo waco waqti yar ka dib
Samaantha markiiba waa usheegtay gacaliyaheeda in aay ugu imaan doonto eleborka muqdisho si aay usii sagootiso
saalim sidii balanta ahayedba maalintii labaad waa ku sooo duulay uu wuxuu transet ku ahaa dubai markii uu dabai yimid isla markiiba waa uwacay gacalisadisa una sheegay in uu 9 saacado ka dib u duuli dono turkiga
saalim marki u ka so dagtay ATATURKI airport ee turkiga isla markiiba waxa lo taxayay xabsiga dhexe ee wadanka turkiga sidaas waxaa meesha kaga baxay balanti ahedy in u gacalisadiisa so wici doono
saalim 23 maalmod ka dib ayaa warkisa la helay oo la maqlay in uu ku jiro xabsi ku yaal turkiga
samaantha ayada wax war ah maka heeyso gacalyaheeda oo wax aay sameeysone ma garaneeyso
waxeey goaansatay in aay wacday wilka ka yar saalim oo la dhaho cabaas ?
cabaas : asc waa kuma ?
samaantha: aniga wayay aboowe ee se tahay
cabaas: woow waan jeclaa in aaku so Waco balse ma sameynin ee iga raali noqo
samaantha: haa aboowe anigaba waxaan ka soo wacay leenleenka balse wuu iska dhacayaa
cabaas: haa wa sax oo waa haleysan yahay
samaantha: ok laakin war iga sii xalada walaalkaa
cabaas: walaahi anigaba shalay uunbaan helnay aqbaartisa oo waxaa inagu maqaalo ah in uu xeranyahay
samaantha: maxuu haleeyay xagee buuna ku xeranyahay?
Cabaas: wuxuu ku xeranyahay wadanka turkiga balse sababta ilaa iyo hada manoola sheegin , balse wiil aay isku xabsi ahaayeen baa iso wacay shalay oo igu dhahay walaalka halkaas buu ku jira waxaana loo so deynayaa 8 maalmood ka dib
Saalim marki uu ka so baxay xabsiga ma usan so wicin gacalisadisa balse wuxuu uso diray warqad dhanka emailka ah asiga oo leh:-
Ku: qof la jecelyahay
Ka : qof wax jecel
Macaanto salaan ka dib aniga waan ku caafimaad qabaa adiga waxaan ku rajeynayaa sidaas oo kale
Teeda kale aniga wixii dhacay raali maka aheyn oo ma jecelyn in aan is maqlin weyno balse waqtiga aya qasabay
Saakay ayaan ka so baxay xabsi mana ii suragalin in aan ku so Waco oo wlai ma yeelay telfon igaar ah insha allah aniga ayaa ku soo sinayo telfoonkeyga waliba sida ugu dhaqsiyaha badan hadane waxan rajeynaya in aan safar dag dag ah galo oo dhankaas iyo gariiga (Greece) ah balse waan iska warheyneynaa
Jawaab wacan (k) (k) (k) byy
Samaantha 3dex maalmood ka dib waxeey aqrisatay aqbaarti uu uso diray gacaliyaheeda waliba ayada oo farxad laga dheehan karay
Isla markii waxeey wacday cabaas
Cabaas: dumaashi aad baan kuu salaamay
Samaantha: mid la mid ah ee xaguu ku danbeyay xalkii saalim
Cabaas: haa waa u ladan yahay inkasto wali uuna laheyn telfoon u gaar ah balse barito wxuu adaya gariiga sida uu inoo sheegay aabo
Saalim inta uu wada ku jirin waxa u wici jiray aabihiis oo xiligaas joogay dubai si uu uga dalbado wixii qarash ah u u bahanaa xiligaa
soomali horay ayeey ugu maahmaday NIN MAQAN SACIIS DABI DHAL
Galab galbaha ka mid ayaa waxaa qadka isku arkay samaantha iyo ruqiyo oo dhax martay shekadaa
Ruqiyo : waan ku salaama walaasha qaaliga
Samaantha: waan ku ladanahay ee adiga xageed ku danbeeysay
Ruqiyo: aniga halkeeygi ban jooga ee war iga sii saaxibka intuu ku danbeyay waa baxyay baan maqlay e
Samaantha: waxaa igu wardanbeysay asiga o gariiga adayo balse isbuuc wax war ah maka hayo ee adiga saaxibkaa intuu ku danbeyay
Ruqiyo: walaahi waa sidaad ogeyd oo in aan jeclahay ayuu ina ogaaday ayuu wuxuu iska dhigooyaa wax una aheyn marka ilaa iyo hada xaalkisa ma fahansani
Dood dheer ka dib waxaa lagu balamay in maalinta jimcaha ah lagu lagu kulmo xaafada ruqiyo
Kulankaasi waxaa lagu falanqeyay xaalka cabdullahi (black) ugu danbeeynti waxaa lagu hishiiyay in aay samaantha u tago cabdullahi aayna ku dhahdo waan ku jeclahay si dhibkii u geeystay saaxibteed looga aaro sababtoo ah samaanth waxey aheyd qof aad u qurux badan waana sababta lagu diray howshaas
Isla maalinti samaantha waxeey wacday cabdullahi(black)
Cabdullahi(black): ASC waa kuma qofka ila hadlayo
Samaantha: wcs waa samaantha , e warka isii yarka la wayay
Cabdullahi(black): adiga aya lagu wayay e xageed ku danbeyay
wax yar ka dib samaantha iyo black waxeey ku balameeyn in aay ku kulmaan xaafad daris la ah samaantha si aay halkaas ugu sheekeeystaan
black inkasto oo la yaabanaa qoftaan aan waligis so wicin balse manta soo xasuusatay hadane wax shaki ah ma galin oo goobtii lagu balamay ayuu soo istaagay asiga oo waliba yaaban
la soco qeybta danbe oo aad u xiiso badan insha allah
(qisadaan cid qiyaasi karto ma jirto halka aan ku dhamaaneyso marka lasoco sabti kasto insha allah)
la socoto qeybta LIXAAD sabtida kale insha allah
waxa idin soo diyaariyay qoraaga da’da yar MOHAMED ABDI ADEN
wixii talo ah ama daliil waxaad inoogu so diri kartaa saalim888@hotmail.com
Haday ku dhaaftay sheekada qeybaheedii kale inta kala soco: