waa qisadii murugada iyo xanunka badnee ee la magac baxday WALIGEEY ISMAAN ORAN WADNAHEY KU ISTAAJIN

 

 

 qeybta 8aad

samaantha oo hadalka wadato misane diidan in aay basawerkeeda bixiso ayaa ku dhahday

 

samaantha: macaanka hadii aan ku siiyo passwerka waxaan ka qaadee madax xanuun marka waxaa roon in aad iska daayso inta aad ku walan laheyd

 

markii aay intaas dhahday ayeey u raacisay qosol yar oo aad moodo in loola jeedo barnaamijka basawerka oo dhan naga xer

 

balse saalim oo markii loo diiday shaki weyn qaaday ayaa u raacaiyay

 

saalim: haye!! Yarta waxbaa jira sida aan dareemayo ee waxa soo daa hee aan wada aragne

 

samaantha: macaanka kalsoonidaada ma waxeey ku xerantahay passwer xun oo aan ku siiyo

 

saalim:calaa iyo xaal TIMIR LAF BAA KU JIRTA hadii aayna waxba jirin ma ii diideen passwerka balse ka raali noqo hadaad codsigeey qalad u fahantay

 

samaantha oo dareentay in uu saalim is badalay waliba wax kale magan yahay ayaa ku dhahday

 

samaantha: gacaliye waxaa balan ah in aan ku siiyo maalinta ugu horeeyso oo aan kulano marka intaas iga aqbal adiga oo aan qalad I fahamin

 

saalim: calaa iyo xaal WAR JIRAABA CAKAARUU IMAN

 

saalim ma uusan ka quusan in uu samaantha ka qaado baswerkeeda oo mudo 2 bil ka dib ayu marlabaad weydiyay balse maxaa loogu jawaabay

 

saalim:nafta manta waxaan wataa suaal aan horay ku weeydiyay oo ah in aad helo passawerkaada e adiga o aan hadal I galin isku day in aad isiiso :p

 

samaantha: sxb waan kuu jeedaa dib u socod ayaad bilaawday waana kuu sheegay in aan ku siinayo hadii aan kulano ee mar danbe ha I weydin

 

 

sidi aan horay u soo sheegnayba saalim wuxuu ahaa shaqsi barta cilimiga loo yaqaan information communication technologie (ict)  oo ah cilmi dhanka technologiada caalimiga ah

 

saalim waxaa uu goaansaday in uu cinwaanka samaantha jabiyo si uu ogaado bal waxa meesha ku jiro oo laga qarinayo , hadane wuxuu is dhahay bal ka war sug ilaa iyo xad

 

maalim maalmaha ka mid ayaa saalim waxaa so wacday gacalisadiisa ayada oo leh

 

samaantha: gacaliye aan ku suaale fasaxaan soo socda maxaa kuu qorsho ah?

 

saalim: wlh wax qorsho ah malihi oo aan aheyn in aan shaqeeyo oo kaliya ee ma wax daran baa jira

 

samaantha: wax daran ma jiraan ee waxaaan rabaa in aan ethopia so aado anigane waxaan jeclaan lahaa in aan ethopia iskugu imaano si aan u aqal galno ee see kula tahay

 

saalim: dabcan waa wax fiican waana ku imanayaa insha allah

 

samaantha aad bay ugu faraxday in uu gacaliyaheeda oo codsigeeda yeelay

 

dhanka kale samaantha waxaa xanuun weyn ku hayay nikaaxii beenta aha oo aay la gashay CABULLAHI BLACK ayada oo rabto in aay gacaliyaheeda wixii shaki ah ka saarto ayaa ku dhahday

 

samaantha: macaanka maalinta ugu horeyso oo aad imaado ha iloowin hee in cinwaankeeyga laguugu hor furi doono oo wixii ku jirana lagaa qanci doono

 

saalim: maya hadaan imaado fursad aan internet ku aado maba hayo somahan

 

samaantha: macaanka ma iga xanaaqsantahay maxaa dhacay mise waxaad qalad u aragtay baswerka aan kuu diiday

 

saalim: maya maya maya waxaas ma jiraan , oo passwer iyo wax la mid ah dad ku kala xumaado ma nihin

 

samaantha: macaanka malmahan danbe wici taankaada waa yaraaday sida aan dareemaayo balse hadii aad qalad I fahantay Iga raali noqo

 

saalim: macaanto waxaas adiga ayaa iska dhaacisay ee sidi aan ku soo wici jiray uunbaan ku so wacaa ee maxaad ka qabtaa hadaan basawerkeeyga ku siiyo inkastoo aad kaada diiday in aad bixiso

 

samaantha: waan jeclahay in aan ogaado basawerkaada balse maalinta aan kulano uunbaan ku weydinaya hada ma rabo

 

saalim markii intaas la dhahay waxaa ku abuurmay shaki oo ah in aay wax jiraan balse aaay ka baqeeyso in aay u sheegto waxa jira

 

saalim markii aay ka tagto samaantha ayuu isku dayay in uu xooga yar seexdo balse hurdo oo dhan ayuu iska wayay waliba asiga oo si weydinayay qof aad wada socoteen 3dex sano maxeey ku keentay in aay baswer xun kuu diido

 

dhankale wuxuu is weeydiyay suaalaha ah WAR TOLOOW HADAAD ETHOPIA TAGTO MAXAA DHICI KARA? HADII AAD WAX AADAN FILANINE AAD LA KULANTO MAXAA TILAABO AH OO AAD KU DHAQAAQEEYSAA? DUMARNE LAMA AAMINI KEEREE ,, ARMEEYBA GUURSATAY OO AAY XAAS TAHAYBO?

 

Saalim wuxuu is weydiyay suaalahaas iyo kuwo kale oo aad ufara badan balse uu u wayay wax jawaab ah

 

Ugu danbeeyti wuxuu goaan saday hadii uu waaga baryo waxeey doontaba haku qaadatee in uu cinwanka samaantha jabiyo (password hacken)

 

Mudo dhowr daqiiqo ah ka dib waxaa u soora gashay in cinwaankii sanad basawerkisa loo diday oo dhaxda ka galo

 

Aqristoow maxaad ku qiyaasi kartaa, maxaad ku qiyaasi kartaa in lagala kulmay cinwaankii furmay? Wixii jwb ah waxaad inoogu soo dir karta cinwaanka sheekda qaaska u ah e hoos ku qoran

 

La soco qeybta kale 9aad sabtida kale insha allah


waxaa kuu soo  diyaariyay qoraaga da’da yare e MOHAMED ABDI ADEN
Wixii talo ahne waxaad inoogu so diri kartaan  saalim888@hotmail.com

 

 

FG :(maheeysa qiso jaceyl oo dhab ah plz isoo dir si aan usoo bandhigo waliba ayada o habeysay )


asp hit counter
hidden hit counter