qeybta 10aad
Samaantha ayaa markii aay timid xaafada ruqiyo loo sheegay in aay film ku fiirsanooyso qolka fadhiga
Samaantha ayaa durbaba horay usii gashay guriga ayada o ku hadaaqday
Samaantha:adiga film Hindi ah baad raaxo ku fiirsaneeysa inta aad god weyn i quday , qiyaanooleey baa tahay balse anigii saaxib ka dhigtay ba ka doqonsanaa
Ruqiyo oo yaab ka soo haray naxdine laga dareemi karo ayaa ku dhahday
Ruiyo: qaali bal soo fadhiso wax naga halabayaan ma jiran ee sheekada hoos noogu dhig maxaa dhacay o aad iga tabaneysaa
Samaantha: nikaaxii beenta ahaa ee aad igu qalqaalisay maanta SAALIM baa soo ogaaday hooyane waan u sheegay arooskii aan gali rabay labo bil ka dibne waa uu burburay
Ruqiyo: sidee buu ku soo ogaaday saalim , adiga miyaa u sheegay?
Samaantha: passwerka cinwaankeeyga buu dhowr jeer i weydiyay anigane waan udiiday , ugu danbeeytii basawerkeeygii oo dhan ayuu jabiyay , wixii ku jiray o dhane wuu soo arkay
Ruqiyo: ka dibne muxuu ku dhahay?
Samaantha: wuxuu i dhahay arooska adiga iyo cabdullahi baan kasoo qeyb galayaa , hadane telfoonka cabdullahi buu raadinooya,, MARKA WAXAAD IGA DHIGTAY DOQONTII QASAARTAY, INTAASNE ADIGA AYAA I KEENTAY
Ruqiyo ayaa fikir u gashay sidii mar labaad saalim loo soo xero galin lahaa , ugu yaraan sidii ethopia lagu keeni laha ayada oo iska dhaadhicsay saalim hadii uu ethopia imaado in wax walbo loo sheego karo, ayada oo dhinackale iska dhaheeysay marba hadii uu ethopia imaado talaab kale oo u furan malahan sababto ah qarash buu soo galay
Ruqiyo: macaanto waxaas wax dhib leh ma ahan ee adiga hadii u gacaliyahaada ethopia imaado soo wax walbo maka dhaadhici kartidoo
Samaantha: sidee lagu keenaa ethopia sababto ah saalim o mar shaki galay qaabki looga saari lahaa aad baay u adagtahay
Wax weyn ma ahan e si fiican ii dhageeyso:-
Xiligaan la joogo Ayaan aadeynaa suuqbacaad si aan u soo sameeyno cinwaan cusub oo aan ka dhigeeyno in uu cabdullahi leeyahay camal
Cinwaanka waxaan u ekeeysiineeynaa kan cabdullahi ,magacane waxaan ka dhigeeynaa magaca cabdullahi
Ka dib war qad Ayaan usoo direeynaa cinwaankaada warqadaas oo ah
Ka : caballahi black
Ku: cadeeydii iga aar gudatay
Salaam ka dib waan ku fiicaanahay , hadii aan runta kaaga hadlo aniga waligeey halmaalin maku aaminin oo waan dareensanaa in aan marnaba heli doonin qof adiga camal u qurux badan una dabeecad fiican , balse waan iska dareensanaa in aad saaxibtaa u aar gudeeysay , sababtoo ah waligeey fursad dheer aaan ku wada sheekeeysano ima siinin , taasine jaceyl lama dhihi karo, tan nikaaxane waan ogaa in uu nikaaxa been yahay oo abahaa xamar dhinac ka joogay , aniga I naftigeeyga waan is dabaalinayay oo waxaan rabay oo kaliya in aan mar uun gacanta kugu soo dhigo oo aad lamaanaheyga noqoto balse nasiib xumo taasi ma dhicin,
Meesha nikaaxa aad I dhaheeysone waan ka fasaqanaa waanba iskaaga jeeda in uu yahay nikaax been ah yahay , oo wax la fasaqo maba yaalaan meesha
Hadane waxaan ku dhihi lahaa ninkii ku helo aya nasiib leh, balse waan ka xumahay in aan ku hanan waayo hadane qeyb badan baa ku dhaafay aniga oo ah ninkii aad beenta u sheegeysay beenta oo aad ugu aar gudeeysay saaxibtaa ruqiyo byyyyyyyyy
Markaas ayeey ku dhahday
Ruqiyo: marka warqadaan waxaan ka soo dhax direeynaa cinwaanka aan sameeyn doono , markaas ayaa loo soo diraa cinwaankaada
Adigane waxaad waceey saalim oo aad ku leedahay , gacaliye xooga waan xanuunsanahay maalmahaane qadka ma soo aadin ee ii fiiri in aay waqado I yaalaan iyo inkale
Samaantha: ok waa arin fiican , balse makula tahay in u arinkaani ku qanci karo
Ruqiyo: haa waan aamin sanahay in uu arinkaan ku qanci karo, adiga hadii uu soo dabcan , wax intaas dhaafsan ha u sheegen ee is jilci kana dhameey in uu ethopia imaado markaasne aan wixii jiro u sheegno
Sidi ayaa lagu baxay oo warqadii ayaa la diray dhanka kale saalim wuxuu il gooni ah ku hayay , hadaba warqadaha loo soo diro samaantha asiga oo maalinkasto laba jeer furi jiray, balse ku dadaali jiray in aaan la ogaan in uu faray iyo inkale
Maantaba waxaa soo dhacday warqadii mudada dheer loo soo fikirayay saalim , isla markiiba warqadii ayuu aqris ku bilaaway , hadane markii u dhameeysay aqriskii warqada ayaa wuxuu is weydiyay HORTA CABDULLAHI BLACK INTUU JOOGAA?
Markaas ayuu dhahay , meesha uu joogo warqada uu soo diray baanba ka ogaan karaa oo waxaan raadinayaa IP adreskiisa , markii uu raadis u galay ayaa waxaa u soo baxday in warqada magalada muqdisho laga soo diray
Saalim aad buu usi shakiyay balse dhowr saac ka dib waxaa soo wacday samaantha oo leh
Samaantha: gacaliye aad baan ku soo salaamay
Saalim: mid la mid ka ah
Samaantha: haye xageed gashay hee malmahaan waa lagu wayay e
Saalim: oo qof xaas ah qaab aan u soo raadiyo maba garanayo ee sideen kuso raadiyaaba
Samaantha: macaanka ma ogid miyaa in aay waxaasi been yihiin , oo aayna waxba ka jirin, balse lacag badan ma igu jirtii , ina cinwaankeeyga furto warqadaha ku jirone isoo aqriso ma isoo wici karta sababto ah malmahan guriga maka bixin o waan xanuunsanaa e
Saalim oo shaki weyn taabtay ayaa ku dhahay
Saalim: sorry suaal baan rabay in ank u weydiiyo e cabdullahi black xagee bu ku danbeyay??
Samaantha: ha waxaan ku ogaa dubai
Saalim markii intaas la dhahay ayuu iska dareemayay in warqada aay tahay wax lasoo kuus kuusay, markiiba uu ku dhahay waxaa ku taal warqad u ku soo diray cabdllahi , lkn ma rabo in aan aqriyo
Samaantha : macaanka intaas waxa aan ku dhahay wa kalsoonida aan ku qabo ee aqri ina soo sheeg waxa ku jira meesha
Saalim: adiga iyo ninkaada wax idin dhax yaal in aan aqriyo diyaar uma ihi ee hakuu macaato
Samaantha ayaa yaab ka so horay goaan satayne in aay saalim ina wacdo wixii jiro oo dhan u sheegto iskana dhaafto wadooyinka qaldan ee aay adeegsaneyso
La soco qeybta 11aad isbuuca kale
Waxaa ku soo diyaariyay qoraaga da’yar ee Mohamed Abdi Aden
Wixii talo ah waxaad inoogu soo hagaajin kartaan saalim888@hotmail.com