waa qisadii murugada iyo xanunka badnee ee la magac baxday WALIGEEY ISMAAN ORAN WADNAHEY KU ISTAAJIN

qeybta 11aad

 

Samaantha ayaa habeenkii markii aay sariirta tagtay is weeydisay suaalo aad u farabadan o ka mid ahaayeen,,, saalim wuxuu horay i dhahay

 

Waxkasto oo aad horay uso sameeysay ha wanaagsanaadan ama ha xumadaan i sheeg maanta malaga yaabo in aan qalad ku fahmo? Balse ogoow hadaadan maanta wixii jiro o adiga kugu saabsan aadan ishegin ogoow waxaa dhici karta in aan soo ogaado waxyaabo aad iga qarisay , xisaabtane ku darso inaan maalintaas kaa aamini doonin wax kasto oo aad i sheegto ?

 

Saalim oo sidaas igu dhahay walaahi waa adagtahay in uu maanta iga qanco ama i aamino..,,,

 

Maalintii aan fursadaas qaaliga ah heeystay maxaanan ugu sheegi wayay???

 

Maxaan basawerka xun aan ugu diiday hadaan waxa meesha ku jiro aan wada tirtiri lahaa oo aan iska sin lahaa basawerka dhibkaan ma mari lahaa>> alla doqonsaniyaa ,, iyo suaalo kale oo aad u fara badan

 

Samaanta habeenkaasi wax hurdo ah kama soo dhicin ,,, markaas ayey dhahday somali waxeey horay u tiri ( AFKAADA OO GURAN KUUMA DHALO EE GEELKAADA O GURAN WUU KUDHALAAA) wixii jiro waan u sheega ma i cunaa horta asiga

 

Samaantha ayaa markiiba wacday gacaliyaheeda saalim

 

Saalim: oo hurdo ku jirto ayaa dhahay // waan ku salaamay waa kuma ??

 

Samaantha: macaanka wa aniga ee please telfoonka ha igu damin

 

Saalim: oke inkasto aay hurdo mac iga qastay ma wax daran ba jira

 

Samaantha: macaanka hurdo macaan ayaa ku socoto anigane bil in kabadan hurdo waan iska wayay

 

Saalim: ma cudur hurdada kuu diiday baa jira,, mise >

 

Samaantha: haa oo gacaliyaheeyga ayaa fahmi la’a oo iska dhigooyo cunug yar camal

 

Saalim: walaahi waa dhibaato ,, ee maxaan ka qaban karaa hadii u gacaliyahaada ku fahmi waayo

 

Samaantha: sxb gacaliyaha aan ka hadlayo waa adiga ee isku day in aad iska deeyso GAALAA GOD IGU JIREE GARUUNKA I KEENA

 

Saalim: abaayadiis aniga waxba ha I maahmaahin, ee waxaan ku dhihi lahaa hurdo wacana hadane nabadeey

 

Samaantha: saalim hadii aad telfoonka caawa sidaas ku damiso waxaan u fahmayaa qalad

 

Saalim: calaa iyo xaal in aay qof bili aadam ah aay xuman iga tabato ma doonayo balse inta aay lacag kaa goeeyso waan kula hadlaya balse ogoow in aanan kugu so celin doonin hadii uu kaa go’

 

Samaantha: macaanka adiga oo aan qalad I fahmin waxaan rabaa in aan waxa jiro kuu sheego o aad iga dhageeysato , oo adan qalad I fahmin ,, saalim waxaa tahay wiil aan jeclahay aan jeclaan doono.. gacaliye qofka qalad wuu gala wuuna ka soo noqdaa ,, xabiibi waan ku baryaa fursad isii aan kuu sharaxo waxa dhacay

 

Saalim: maxaad faaido ah oo aad ka halee hadaan ka dhageeysto waxa jiro waanba ogahay in anan waligeey kaa raali noqon dooonin sababto ah waxa aad ku dhaqaaqday ma ahan wax normal ah ,, qofka aad kula dhaqaaqdayne wa saaxibkeeyga qaaliga ah

 

Samaantha : waxaan qalad u arkaa xiriirkii aan mudada dheer so wadnay waqtiga badane aan ku soo bixinay in uu ku baa ba’o wax aananba jirin macaanka waan baryaa iga raali noqo.

 

Saalim: bal ii sheeg aan ka dhageeystee

 

Samaantha: macaanka aniga ruqiyo ayaa waxeey jecleeyd cabdullahi , markaasi ayuu ku dheedheelay oo wuxuu rabo buu ka sameeystay, macaanka nolosheedii ayuu dhulka galiyay, macaanka famile keeda baay kaga soo go’day madaxiisa markaasi ayuu meel wado ah kaga tagay, ka dib ayeey i imaaday ayada oo murugeeysan markii aay iga sheekeeysay xaalkeeda ayaa goaan ku gaaray in aan ugu aaro wixii uu ku sameeyay saaxibteey , macaanka waan ogahay in aan qaldamay , balse maanta adiga ayeey talada ku jirta oo hada wixii jiro dhan waad ogtahay marka adiga ayaa goaan lagaa sugaa

 

Saalim: aad baad u mahadsantahay waana kaaga mahad celinayaa, bale anigane i dhageeyso

 

Aniga nikaaxa aad gashay qalad uma arkin oo naag garoob ah oo caruur leh waliba dhowr nin soo guursatay baa la guursadaa, balse aniga oo cinwaankaada jabiyay balsane arkay wixii ku jiray o dhan , ayaad ina wiil wacday ku dhahday cinwaankeeyga waa leeyga xaday ee baswerka i badal waxa ku jiro oo dhane tir tir, taasi waa qodob , o waxaad i fahantahay tuug

 

Tan kale warqad ayaad adi gacantaada kusoo qortay waliba adiga oo iska dhigeeyso in aad cabdullahi tahay usoo dirtay cinwaankaada , adiga oo ka watay in aan aqriyo oo aan ku qanco warqad oo shaqsi kale soo diray

 

Sister hadaan runta kaaga hadlo labada qof marki aay rabaan in aay is mehersadaan waxaan wacan in aay yihiin labo qof oo aqoon dheer isku leh , waana sababta aan u jabiyay cinwaankaada , calaa iyo xaal hada wax xumaan ah makuu qabo balse malaga ayaabo in aan ethopia imaado oo aan meher kula galo taasi xisaabta ku darso

 

Samaantha: macaanka waan ku baryaa goaan ha gaarin oo xariirkeena ha bur burin ee ee ee

 

Saalim: qalad ha i fahmin , miyeey kula wacantahay in aad ogaato waxa aan ahay balse aad iga qarsatay sirtaada o dhan , walibane waxaad rabtaa in aan reer wada dhaqano oo aad caruurteeyda hooyadood noqotay miyaa

 

Samaantha: macaanka waan jeclahay in aan cunug aad aabo u tahay dhalo ee  riyadeeyda ha iga burburin

 

Samaantha ayada oo halkaasi sheeda u mareeyso ayuu telfoonkii ka goay oo waxeey is laheyd saalim baa kugu so celin doono balse ma usan ku soo celin

 

Balse waxeey kaligeeyd niyada iska dhahday

 

War muxuu aha saalim madax adkaa mise in aan jeclahay buu ina arkay ayuu rabaa wadadii ruqiyo la marsiiya in uu i marsiiyo ,, laakin kor iyo hooos aniga ayaa ka gar daran

 

Laso qeybta 12aad oo aad u xiiso badan

Waxaa ku soo diyaariyay qoraaga da’da yar Mohamed Abdi Adem

 

Wixii talo ah waxaad inoogu so hagaajin kartaan saalim888@hotmail.com

 

 

 


asp hit counter
hidden hit counter