waa qisadii murugada iyo xanuunka badneyd oo aad wada sugeeyseen waa WALIGEY ISMAAN ORAN WADNAHAY KU ISTAAJIN

 

qeybtii 2aad
 

Sidii aay balanta aheydba markii uu saalim ka so baxay salaada cishaha  wuxuu durbadiiba so abaaray qolki fadhiga wuxuna bilaaway in uu garaaco talefankii samaatha


 

Telfonka waxaa qabatay maryama o ah samaantha walaasheda waaxeyna markiba u yeertay samaantha


 

Samaantha: hello waa kuma ?


 

Saalim:haa qofkale maahan ee waa saalim


 

Samaatha: wooow caawa waad so dheeraatay e ma wax daran ba jira


 

Saalim: maya wax daran ma jirin balse waxaan ku waday salaan qaas ah oo qalbigeeyga uu ku soo mariyay hawada marka waxaan rajeynayaa in aad iga gudoomi doonto


 

Samaantha: waxaa ka gudoomay qalbiga mid la mid ahne iga hano


 

Saalim: haa waan kaa qabaa ee mashquul miyaad tahay caawa oo sheeko miyaan kaa so qasay


 

Samaatha: saalim oo dhan ayaba isoo wacay marka wixi sheeko ah sidaas ayeey ku dunsan yihiin marka caawa shekadaada baa la sinaya waqtiga ka waran xaladi imtixanka ?


 

Saalim: walaahi aniga sida aan horay kuugu sheegayba imtixaanka aad ka hadleeyso mid kale ayaaba ii raacsan oo waxaan jeclahay in aan marka hore ka guul keeno markaas baan u so jesanayaa imitxanka iskulka


 

Samaantha: walaal muxu yahay imtixaanka kale oo aad ka hadleeyso ma iskul kale baad dhigataaa


 

Saalim: maya ee qalbigeeyga ayaa qof tabaayo marka waxa uu ku mashqulsan yahay qaabkii uu ku heli lahaa qoftaas uu tabaayo  


 

Samaatha: walaal waa arin aad u culus marka ee waa tuma qofka uu tabaayo qalbiga?


 

Samaantha naf ahaanteeda waa dareemeysa in uu saalim ayada doonaayo ayada naf ahaanteeda rabitaanka ka marno balse waxeey rabtaa o kaliya in marka hore ayada wax loo sheego ka dibe aay wax la daa dihiso wixii sheekadi socotayba waxaa lagu balamay in aay wax kasto hagaagi donan oo marka hore imtixaanka meel leeyska saaro ka dibne inta la sugayaao jawaabta imtixaan wax kasto meel la wada dhigto


 

Saalim habeenkaasi waxeey u aheyd habeen farxadeed samaathane sidoo kale balse samantha waxey ka codsatay saalim in u arinkaan dhexdooda dhaafin oo waxeey aheyd gabar aad u xishood badan


 

Laga bilaawo maalintaas saalim iyo samaatha waxey ahaayeen labo qof oo jecel in aay xili kasto oo bareeg ah wada kulmaan


 

Sidii aay balanta aheydba marki uu soo dhamaatay imtixaanki ayaa saalim wuxu baadi goob u galay samaantha balse waa uu wayay wuxuu goaan ku gaaray in uu SMS ugu diro mobilkeeda asiga oo leh YARTA WAXAAN JOOGA ALBAABKA LAGA GALO MAKTABADA E IGU IMAAW HALKAAS samaantha waxeey ku jirtay qolka computerada isla markiba waxey so abaartay halki u joogay saalim


 

Samaantha: yarka maanta waxaan dareemaya in aad faraxsantahay ee warka isii


 

Saalim: haa oo waxaa isku keey darsamay dhowr farxadood marka  waxaama jecleystay  in aad ila qeybsato ee ka waran xaalkaada adiga


 

Samaantha: walaahi heersare marka waxaan jeclaan lahaa in aad i fasax maanta, sababto ah waxaa i sugooyo gabdho


 

Saalim: ok anigabe wax zaaid ah maku wicin oo waxan rabay o kaliya in aan ku si macsalaameeyo marka waa ino waqti kale


 

Samaantha: waan dareemayaa in aadan raali ka aheyn in aan ka tago balse maxaad ka qabtaa hadaan caawa ku so waco


 

Saalim: waxba kama qabo balse hadaan ku sugi waayo wici taankaada  waxaan rajeynayaa in aan ku soo wici karo sax


 

Samaantha: yes ofcourse


 

Sidii baa lagu kala tagay


 

sida caadada aheydba saalim iyo aabihis waxey salaada cisha ku soo wada dukan jireen masaajidka OOWGEEDI saalim habeenkaas ma usan bixin oo waa uu ka cudardaartay


 

markii salaada cishaha laga soo baxay samaantha waxeey durbadiiba soo wacday saalim


 

saalim: salaam sare yarta qaaliga ah


 

samaantha:waa laga gudoomay walaalka qaaliga ah


 

saalim: aad baan kuugu mahadcelinayaa laakin waxaan jeclaan lahaa meeshii aad iga dhihi laheyd walaal in aad iga dhahdo macaankaa gacaliye iyo wixi la midka ah


 

samaantha: ma xuma in aan gacliye kuugu yeero laakin adigane maxaad igu yeeri laheyd marka ?


 

saalim: waxaan kuugu yeeri lahaa wax kasto oo aad  adiga jeclaato ee bal so daa adigane wixi aad jeclaan laheyd in laguugu yeero


 

samaatha: ma xuma laakin maxaad ka qabtaa in aan mar wada fadhisano oo aan ku marti qaado si aan meel dagan ugu wada shekeysano oo aan wax walbone iskaga dhaadhicino


 

saalim: dabcan waan so dhaweynayaa laakin waxaan jeclahay in aan bariba ku kulano


 

samaantha: anigaba waan jeclahay laakin bari aabo baa jooga xaafada laakin bari danbe inooga dhig markaa ayaan si fiican u wada shekeysaneyna maxaa yeelay xaafada wa cidlo oo aniga iyo abaayo uunbaan joogno


 

saalim: ma xumaa laakin maalintaas maxaa jawaab ah oo aan ka sugaa marka bal wax iga taabo waayo naf dhan baa ku tabeeyso


 

samaatha: insha allah wixii aay nafsadaada jeclaatay in aay heli doonto ban rajeynayaa


 

saalim waxey u aheyd habeen farxadeeda waxeey sheekada socotaba waxaa qolki aay samaantha ku jirtay soo gashay maryan oo halkii baa lagu baray maryan saalim habeenkaas waxeey u aheyd saalim iyo samaantha habeen farxadeed


 

wixii aay sheekada socotaba waxa lagu balamay maalinta jimcaha ah in saalim laga so doono hotel Jeddah oo ku yaal isgooyska siinaay sidii baa lagu geeyay qolkii fadhiga ahaa oo waxaana durbadiiba la keenay cabitaan oo saalim wuxu ka codsaday samaantha in aay gacanteeda ku siiyo kaftan dheer ka dib waxaa lagu balamay in aay labadoodaba iska soo diiwaan galiyaan jaamcada BANAADIR UNIVERSITY


 

samaantha  waxeey sheegtay in aay rabto in ay noqoto dhaqtarada ilmaha ah halka gacaliyaheda saalimne sheegay in uu rabo in uu barto cilmiga computerda e (IT) information technology.


 

Haday ku dhaaftay sheekada qeybaheedii kale inta kala soco:


Halkan ka aqriso Qeybtii 1aad la socoto qeybta sedexaad sabtiga kale insha allah


 

 


 

waxa idin soo diyaariyay qoraaga da’da yar e MOHAMED ABDI ADEN


 

wixi talo ah waxaad I noogu so hagaajin kartaan saalim888@hotmail.com


asp hit counter
hidden hit counter
Maak een gratis website Webnode