WELIGEY ISMAAN ORAN WADNAHEY KU ISTAAJIN

 

 

Qeybtii 12aad

 

Saalim ayaa markii uu telfoonkii isa saaray isku dayay bal in uu seexdo balse , dhankiisa hurdadii ayaa u ganbisay , oo wuxuu xusuus dheer u galay taareekhdii aay soo wada mareen asiga iyo samaantha iyo waliba jawiyadii macaanaa ee aay isku qaabili jireen xiliyada aay kulmayaan,, hadiyadihii qaaliga ahaa ee aay soo siisay markii uu ka soo dulay magalada muqdisho

 

Saalim ayaa hurdo dhan ka imaan weeysay wax walbo oo uu sameeyaba

 

Balse saalim ayaa ahaa dadka aad iyo aad u shakiga badan oo dhinaca kale iska tusayay suaalahaan oo ah

 

Qof aad sidaas u aamintay hadane sirteeda kaa qarsatay , hadii aay xaaskaada noqoto waxa dhici karto in aay soo baxaan wax aadan ogeyn?

 

Horta maxeey ku keentay in aay halsano kaa qariso , arinkaan muhiimka ahaa ? iyo suaale kale oo aad u fara badan  walibane aad u qariban ahahah

 

Ugu danbeyntii saalim asiga o aan wax hurdo ah ka soo dhicin ayuu uu iskuulkiisa aaday

 

Dhan kale samaantha , ayadane dhinaceeda ayeey muragada ka qabtay , oo waa dareensaneyd in u saalim aad u jecel yahay balse uu ka xumaaday waxyaabaha aay ku dhaqaaqday

 

Samaantha ayaa goaansatay in aay iska sabarto , ayada oo nafta ku sabar siineeyso (WIXII KUU QORAN LAMA GAFO) hadii u saalim calaf I yahayne waan wada kulmeeynaa

 

Labo maalmood ka dib samaantha o qadka MSN ku jirto ayaa waxaa si kadis ah u soo galay saalim

 

Samaantha: yarka waa lagu salaaamay , waana ku faraxsanahay in aan qadka kugu arko

 

Saalim: waa lagaa qaaday mid la mid ahne iga hano

 

Samaantha:ok , bal war iga sii xaalada guud , maxaa kugu soo zaaiday

 

Saalim: wlh xaalka waa iska bariga dhexe balse wax zaaid ah ma jiraan, ka waran dhankaada

 

Samaantha: wlh xaalkeyga wax kaa qarsan ma jiraan balse , manta waxaan rabaa in aad xaalkaada cadeeyso o aad I sheegto waxa aad magantahay???!!! ,,

 

Saalim: maku fahmin balse I jilci suaashaada

 

Samaantha:sxb wixii dhacay waan kuu sheegay, marka goaanka aad qaadatay I sheeg, oo waa doqonimo ah in aan markasto kuugu ceceliyo in aay waxaasi wax jiro aheyn

 

Saalim:abaayadis , qalad iyo xumaan waxba ha I fahmin , diyaarne uma ihi in uu bur buro xiriirkeena aan mudada dheer soo wadnay oo aay waqtiga faraha badan ku bixin, balse …..

 

Samaantha: hadalka dhameeyso .. goaan kasto o aad qadato waa welcome manta

 

Saalim: goankeeyga waa iska cadyahay oo maba u baahno in aan ku dhaho waa sidaas,

Samaantha: waxaan kuu fahmay in aadan diyaar u aheyn in aad wax xiriir jaceyl ah ila sii wado balse xiriir walaaltino aad diyaar u tahay , ma saxanahay mise?

 

Saalim: dabcan jawaabta saxda ah ayaad bixisay

 

Samaantha: waan ku ogahay in aad tahay qof  aad I jeclaa o aniga ayaa halkii leeyga rabay ka so bixin balse makaaga xumi goaanka aad qaadatay,  kana raali noqo wixii dhacay

 

Saalim: waxaa tahay qof wax garad ah , waana kuugu hanbalyeeynayaa sida wacan ee aad I fahantay

 

Samaantha: ok balse , u fahmin in aanan ku jecleyn oo fudeed dumarnimo uunbaa I qaaday

 

Saalim:balse adiga wali goaankaada ma aadan cadeeyn?

 

Samaantha: wlh wali waxaa tahay wiil aan jeclahay , oo waxaan ku dadaalayaa in aan maalin maalmaha ka mid ah cuqdada aad iga aminsantahay aan kaa saaro , inta maalintaasi laga gaarayo wax goaan ma qadanayo

 

Samaantha iyo saalim maalintaasi waxeey sheekadooda ku soo gabagabooday is xasuusin xariirkii aay so wada mareen ,, balse samaantha ayaa saalim mar hoosta ka galisay

 

Samaantha: saalim soo doqonimo maahan , xanaaqii ugu horeyay aad iga xanaaqdo in aad xariirkeena ku bur buriso

 

Saalim: abayadis qalad ha ii fahmin oo waxa niyadeeyda ku taagan ayaa ah,, in aay wali jiri karaan waxyaabo aad u faro badan oo aad iga qarineeyso, dabcan hadii aan ku weydiyone waan ogahay in aadi dhaheeyso waxba ma jiraan ,mana rabo in aan fikir iyo shaki dheer danbe sii galo

 

Samaantha: xaqiiqdii wax waa jiri karaan balse qodobkii ugu muhiimsanaa waba ogaatay, waxa kale oo jiro karone waxaan amin sanahay in aay yihin waxyaabo yar yar

 

Saalim :bal aan ku suaale maxaa hada goaan ku gaartay

 

Samaantha : in aan goaankaada soo dhaweeyo , oo aan dhanka mamadane u sheego in uu xariirkeena joogsaday , balse hadii aan calaf isku leenahay waan is heleeynaa taasi ogoow

 

 

Saalim: oke , balse xumaan ha i fahmin insha Allah sida aay noqotaba mar baan kul meeynaa anaga oo walaatinamada macaanteeda dha dhamineeyno

 

Saalim iyo samaantha maalintaas ayaga oo wada qanacsan ayeey sidaasi isku mac salaameyeen , balse sawiradii yo warqadihii iyo is maqalkoodii dhanka talefoonka wuxuu ahaa mid caadigiisa iska ah

 

Oo bishii mar ama labo jer ayeey wada xiriiri jireen inkasto aay dhamaadka sanadkaan ku kulmi doonan adis ababa , samaantha iyo saalim ayaa labada daneeynaya kulkaasi qaaliga ah iyo waxa ka soo bixi doono inkastoo aay labadooba balan qaadeen in aay hadiyado qaali ah is dhaafsan doonan

 

 

Maanta waxaad aqrisatay qeybtii ugu danbeeysay ee qisadii qaaliga aheyd oo la magac baxday waligeey simaan oran wadneys ku istaajin, ee uu ku soo diyaariyay qoraaga da’da yar e Mohamed Abdi Aden

 

dhanka kale samaantha iyo saalim ayaa iga codsaday in aan salaan qaali ah ka gaarsiiyo dhamaan aqristayaasha qisadooda jacelka  

 

Ugu danbeeyntii samaantha iyo saalim ayaa idinka codsanaya in aad firkiina saliimka ah u soo hagaajisaan iyo sida aad u aragtaan xiriirkoodii buburay sagal.500@hotmail.com

 

 

Mardhaw waxaad aqri sandoontaan qisoyinkan jaceyl oo xiisahooda  wato oo kala ah

 

CAASHAQII CALAF WAAYO WAA CADAABTA ADUUNKA

                    Iyo

 

WEHEL KAAN KA SUGAAYAY WARAN BUU IGU  TAAGAY

 

waxaa iska kaashaday hergalida sheekadaan

 

masuuliyiinta websiteka www.miisaanka.com  iyo www.yarmoog.com

Dhanka magac bixinta waxaa iska  leh

cabdi fataax cabdulle (shaataa)

waxaa idiin  soo diyaariyay :Mohamed abdi aden (questionme)

 

XUQUUQDA QALINKA WAXAA ISKA LEH MOHAMED ABDI ADEN

 

ra,yigiina ku saabsan sheekada markasto waan so dhaweeyneeynaa idinka oo inoogu soo hagaajin kara

 

saalim888@hotmail.com

 

 


asp hit counter
hidden hit counter